Sunday 22 July, 2018

TOP NEWS-Musharax Aysan Ku Farxin Somaliland oo Booqday Furimaha Dagaalka iyo Madafiic Ka Dhacaysa.

Warar hoose oo ay helayso shabakadda wararka ee Puntlandnews ayaa sheegaya in musharaxa madaxtinimada Puntland ee doorashada 2019 Corneal Jibriil Maxamed Yuusuf uu booqday furimaha dagaalka Tukaraq.

Cornealka ayaa waxa uu booqday qaar kamid ah fariisimada ay ku sugan yihiin ciidanka difaaca Puntland iyo saldhigyo dhowr ah oo uu kula kulmay taliska guud iyo saraakiisha ciidanka difaaca Puntland.

U jeedada booqashada musharaxa ayaa la sheegay inay ahayd sidii uu xog uga heli lahaa xaaladaha dagaalka lagu xoraynayo gobolka Sool iyo inuu taladiisa ku biiriyo qorshaha xoraynta gobolkaasi.

Majiro wax warar faahfaahsan ah oo ka soo baxay kulamo xasaasi ah oo dhexmaray saraakiisha ciidanka iyo musharax Jibriil Maxamed Yuusuf oo safarkiisii ugu horeeyey ee musharaxnimo ka bilaabay Puntland.

Wararkii ugu dambeeyey ee aanu saaka ka helayno furimaha dagaalka ayaa sheegaya in xaaladdu ay saaka aad u adagtahay isla markaana halkaasi laga maqlayo dhawaqa madaafiicda dagaalka oo ay ridayaan ciidamada Puntland iyo Soomaaliland.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Halkaan Ku Qor Fikradaada

Fasax Fikradaada