Tuesday 18 September, 2018

VIDEO-Dhaqdhaqaaqyadii Ugu Cuslaa oo Ka Socda Tukaraq, Dagaal Laga Cabsi Qabo Caawa iyo Ciidamo Gudaha u Galay.

Ciidanka Puntland ayaa lagu soo waramayaa inay saacadihii ugu dambeeyey dhaqdhaqaaqyo xoogan ka sameeyeen duleedka Tuulada Tukaraq oo ah halka ay isku horfadhiyaan ciidanka Puntland iyo Soomaaliland.

Mid kamid ah dadka safarku ku soo ahaa magaalada Laascaanood ayaa u xaqiijiyey Puntlandnews inuu arkayey ciidamo aad u badan oo wata gaadiidka dagaalka kuwaasi oo ku sii qulqulayey bariga iyo koonfurta Tukaraq.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA

Saraakiisha ciidanka difaaca Puntland ayaa ka warbixiyey dhaqdhaqaaqyadii ugu dambeeyey ee ciidamadu ay ka sameeyeen gobolka Sool gaar ahaan deegaanka Tukaraq iyo xaaladaha ka socda halakasi.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA

Furimaha dagaalka waxaa maanta gaarey ciidamo horleh oo katirsan kuwa Puntland, waxaana halkaasi ku soo dhoweeyey wasiiro, xildhibaano iyo saraakiil ciidamada Puntland hogaankooda katirsan.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: