Saturday 21 July, 2018

VIDEO-Laba Beelood oo Ciidankooda Kala Baxay Tukaraq, Ciidamo Cayrsaday iyo Puntland oo Ka Hadashay.

Maalmihii ugu dambeeyey waxaa soo baxayey warar sheegaya in qaar kamid ah beelaha deegan gobolada Soomaaliland ay ciidamadoodii kala bexeen furimaha dagaalka ee Tukaraq.

Mid kamid ah saraakiisha ciidanka Puntland ee ku sugan Tukaraq ayaa sheegaya in xilliyada habeenkii ah ay maqlaan rasaas xoogan oo ka dhacaysa furimaha dagaalka una dhexaysa ciidanka maamulkaasi iyo saraakiil doonaysa inay baxsadaan.

Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi Faraweyne ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in qaar kamid ah beelaha Soomaaliland ay ku gacan sayreen Muuse Biixi Ciidankoodiina kala bexeen gobolka Sool.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWO FARAWEYNE

Mid kamid ah salaadiinta Beesha Samaroon ayaa sheegay inay ciidankooda kala bexeen Tukaraq aysana Muuse Biixi kula midaysnayn dagaalka uu kawado gobolkaasi.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWO MUUQAALKA

Beesha Habar-yoonis ayaa dhankeeda dhowaan Tukaraq kala baxday 7 gaari oo nooca dagaalka ah iyo ciidamadii saarnaa inkastoo uu khilaaf kala dhexeeyo Jeegaanta.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWO MUUQAALKA

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Hal Fikrad Ayaa Laga Dhiibtay Ayaa Laga Bixiyay Warkaan "VIDEO-Laba Beelood oo Ciidankooda Kala Baxay Tukaraq, Ciidamo Cayrsaday iyo Puntland oo Ka Hadashay."

  1. Hurre says:

    Kkkk Waar Illeen beenta aduunka Dhabayaco ayaa loogu yimaddaa
    Waar adeer meesh Ciidan beel ka amar qaataa ma joogaan Somaliland waxay leedahay Ciidan dowlih oo leh taliye guud iyo dhamaan hoggaamadda Ciidanka wana ka dhabarka ka jebiyay Maryacalastii majeerteeniya iyo daaroodba
    Takale Ciidanka Somaliland maha malashiyo beeleedka garoowe ee la soo ururiyay ee marba beeli labaxayso lkn Ciidanka Somaliland majirto 10 oo isku reer ah oo guuto kawada tirsan
    Ugu danbayn beeni raad male lkn garoowe waxaa loo fadhiyaa wax ka yar 60km soona noqon mayno ee Siilku haydinka jeexnaado ama wax iska celiya alle rag buu idinka dhigaye
    Xalkuna waa dagaal iyo in la kala adkaado

Halkaan Ku Qor Fikradaada

Fasax Fikradaada