Sunday 22 July, 2018

XOG-Cabdiraxmaan Faroole iyo Musharax Jibriil oo Caawa Garoowe Kulan Xasaasi ah Kuyeeshay Maxaa Ka Hadleen.

Wararkii ugu dambeeyey ee aanu caawa ka helayno magaalada Garoowe ayaa sheegaya in musharaxa madaxweynaha Puntland ee doorashada 2019 Jibriil Maxamed Yuusuf uu kulan la qaatay madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole.

Kulaan oo ahaa mid isbarasho iyo xog is waydaarsi ah ayaa ka dhacay aqalka uu magaalada Garoowe ka degan yahay madaxweynihii hore ee Puntland ahna senator katirsan barlamaanka Soomaaliya Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Faroole.

Inkastoo aysan saxaafaddu helin ajandaha rasmiga ah ee kulankaan, haddana wararka qaar ayaa sheegaya inuu ahaa mid isbarasho maadaama labadaan siyaasi aysan horay kulamo u qaadan.

Sida ay helayso Puntlandnews Musharaxa ayaa senator Faroole waxa uu u soo bandhigay qorshihiisa waxqabad iyo sida uu taageerada iyo talada uga doonayo siyaasiyiinta xilalka noocaan ah horay uga soo qabtay Puntland.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Halkaan Ku Qor Fikradaada

Fasax Fikradaada