Sunday 22 July, 2018

XOG HOOSE-Isimo iyo Culimo uu Soo Diray Muuse Biixi oo Garoowe Gaarey Puntland-na Nabad Ka Dalbaday.

Wararkii ugu dambeeyey ee aanu ka helayno magaalada Garoowe ayaa sheegaya in halkaasi uu gaarey wafti ka soo kicitimay deegaamada maamulka Soomaaliland gaar ahaan magaalada Hargaysa.

Waftigaani oo isugu jira Isimo, cuqaal, waxgarad iyo culimaa’udiin ayaa waxaa u jeedkiisu yahay inay Puntland ku qanciyaan in madaxda Puntland ay wadahadalo la galaan xukuumadda Muuse Biixi.

Warar hoose oo ay heshay warbaahintu ayaa sheegaya in waftigaan ay madaxda dowladda Puntland iyo waxgaradka kala hadlayaan sidii ciidamada Tukaraq loo kala qaadi lahaa isla markaana laga baaqsado dagaal kadhaca deegaanka.

Ma cadda sida madaxda Puntland ay u aqbali doonaan dalalka Soomaaliland maadaama ay horay u sheegeen inaysan wax gorgortan ah ka geli doonin dhulkeeda oo Soomaaliland gacanta ku haysa.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Halkaan Ku Qor Fikradaada

Fasax Fikradaada