Tuesday 18 September, 2018

XOG-Somaliland oo Weli Beesha Caalamka Ku Riixaysa Wadahaalada Tukaraq iyo MD Gaas oo Shuruud Faraha Laga Taagey Hordhigay.

Warar hoose oo ay helayso shabakadda wararka ee Puntlandnews ayaa sheegaya in Soomaaliland aysan weli ka quusan ay wadahadalo Puntland kala gasho gobolka Sool gaar ahaan deegaanka Tukaraq oo labada maamul ciidankoodu isku horfadhiyaan.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u xaqiijiyey PN in saraakiil katirsan aqalka madaxtooyada Soomaaliland ay u sheeegeen markale beesha caalamka inay doonayaan inay wadahadalo iyo gorgortan lagalaan Puntland.

Soomaaliland ayaa qorsheheedu yahay in wadahadalka lagu saleeyo inay ciidankeeda kala baxdo Tukaraq dibna ugu celiso Gambadha aysanna Puntland soo dhaafin deegaanka Tukaraq.

Qorshahaan ayaa waxaa si cad uga horyimid madaxda Puntland oo diidey inay Soomaaliland gorgortan iyo wadahaal lagalaan inta ciidankeedu joogaan meel ka sokaysan LEBIDA GAATAMA oo ah xuuduudkeeda.

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa u sheegay wakiilada caalamka in haddii ay doonayaan xalka rasmiga ah ay soo waraystaan shacabka gobolka Sool iyo waxgaradka gobolka, haddii kalena aysan isku wareerin xallinta xiisadda gobolka Sool.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: