Saturday 21 July, 2018

DHEGAYSO-Galmudug oo Ciidamo U Diyaarisay Dagaalka Xoraynta iyo Xaaf oo Digniin u Diray Somaliland.

Madaxda maamulka Galmudug, saraakiil katirsan ciidanka xooga dalka Soomaaliya, kuwa Galmudug iyo marti sharaf kale ayaa ka qaybgalay munaasabad isugu jirtey sagootin iyo soo xirid tababar oo loo sameeyey ciidamo katirsan Daraawiishta Galmudug.

HALKAAN RIIX SI AAD U DHEGAYSATO CODKA

Ciidamadaan oo aad u hubaysan ayaa la sheegay inay ka guuri doonaan Cadaado isla markaana ay si rasmi ugu ambabixi doonaan furimaha dagaaladu ka socdeen muddooyinkaan.

HALKAAN RIIX SI AAD U DHEGAYSATO CODKA

Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa si kulul uga hadlay dagaaladii ka dhacay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool oo ay weli isku horfadhiyaan ciidamada Puntland iyo kuwa Soomaaliland.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA

Axmed Ducaale Geelle Xaaf, madaxweynaha Galmudug ayaa waxa uu sheegay in xiisadda dagaal ee ka taagan deegaanka Tukaraq uu masuul kayahay Muuse Biixi Cabdi oo weerar ku soo qaaday deegaankaasi loogana baahan yahay inuu ciidamadiisa kala boxo deegaankaasi.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Halkaan Ku Qor Fikradaada

Fasax Fikradaada