Tuesday 18 September, 2018

VIDEO-Laascaanood oo Wada Qori Noqotay iyo Dhalinyaradii Ugu Badnayd oo Ku Biirtay Ciidanka Puntland.

Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool iyo deegaamada hoosyimaad ayaa maalmihii ugu dambeeyey waxaa ka socda hub urursi iyo ciidamayn ay samaynayaan dhalinyaro mutadawaciin ah oo doonaya inay ku biiraan dagaalka ka dhanka ah Soomaaliland.

Laascaanood gudeheeda waxaa ku sugan dhalinyaro hubaysan oo weeraro qorshaysan ku qaada talisyada ciidanka Maamulka Soomaaliland, waxaana intaasi sii dheer kuwa isku diyaariya deegaamo hoosyimaada maalmo kadibna ku biira ciidanka Puntland.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAALK

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weeraro qorshaysnaa oo rag hubaysani xalay saqdii dhexe ku qaadeen labo kamid ah saldhigyada ciidanka maamulka Soomaaliland ay kuleeyihiin magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

RIIX HALKAAN SI AAD U DAAWATO GAADIIDKA

Wararka ayaa sheegaya in weerarka koowaad lagu qaaday mid kamid ah baabuurta dagaalka oo ay lahayd Somaliland, waxaana la gubay baabuurkaas oo uu saarnaa qori dagaal, iyadoona wararku intaasi ku darayaan inay ku dhinteen 3 askari.

RIIX HALKAAN SI AAD U DAAWATO GAADIIDKA

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: