Tuesday 18 September, 2018

WASIRADII UGU DAMBEEYEY-Maxaa Hadda Ka Socda Magaalada Laascaanood Kadib Weerarkii Xalay.

Xaaladda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa saaka degan kadib weeraro dhowr ah oo saqdii dhexe ee xalay lala beegsaday saldhigyo ay leeyihiin ciidamada maamulka Soomaaliland.

Mid kamid ah dadka deegaanka oo aan goor dhoweyd la hadlay ayaa ii sheegay in xaaladdu ay degan tahay isla markaana aysan Soomaaliland weli wax war ah ka soo saarin weeraradii xalay.

“Xaaladda magaaladu waa iska degan tahay waxaana dadka shacabka ah aad u hadal hayeen weeraradii xalay magaalada ka dhacay oo sidaan ogahay lagu gubey hal gaari” ayuu yiri goob jooge aan magiciisa xusin.

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weeraro qorshaysnaa oo rag hubaysani xalay saqdii dhexe ku qaadeen labo kamid ah saldhigyada ciidanka maamulka Soomaaliland ay kuleeyihiin magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

RIIX HALKAAN SI AAD U DAAWATO GAADIIDKA

Wararka ayaa sheegaya in weerarka koowaad lagu qaaday mid kamid ah baabuurta dagaalka oo ay lahayd Somaliland, waxaana la gubay baabuurkaas oo uu saarnaa qori dagaal, iyadoona wararku intaasi ku darayaan inay ku dhinteen 3 askari.

RIIX HALKAAN SI AAD U DAAWATO GAADIIDKA

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: