Friday 19 October, 2018

Cabdi Faarax Siciid Juxaa oo Caawa Ku Dhawaaqaya Inuu u Sharaxan Yahay Madaxweynaha Puntland.

Wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid Juxaa ayaa caawa magaalada Garoowe kaga dhawaaqaya inuu u taagan yahay xilka madaxtinimada Puntland ee doorashada lafilayo inay Puntland ka dhacdo bilowga 2019.

Hotelka Grand Garoowe ayaa waxaa ka socota qaban qaabada xaflad ballaaran oo uu musharuxu ku soo bandhigi doono qorshihiisa muhsarxnimo iyadoona ay ka qaybgeli doonaan siyaasiyiin, dhalinyaro iyo qaybaha kala duwan ee bulshada kunool magaalada Garoowe.

Cabdi Faarax Siciid Juxaa oo xilligii xukuumaddii Faroole ahaa wasiirka waxbarashada Puntland ayaa waxaa lagu xasuustaa dibu habayntii iyo horumarintii uu ku sameeyey wasaaradda waxbarashada Puntland inkastoo khilaaf siyaasadeed awgiis uu ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre kaga qaaday xilkii wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: