Friday 19 October, 2018

DAAWO-Wararkii Ugu Dambeeyey ee Jigjiga, Xaaladda Cabdi Iley iyo Axmed Madoobe oo Gaarey.

Wararka laga helayo magaalada Addis ababa ayaa sheegaya in madaxweynihii dowlad degaanka soomaalida ee Itoobiya ee xilka ka degay Cabdi Maxamuud Cumar uu weli ku sugan yahay magaalada Addis ababa.

Xaaladda Cabdi Maxamuud Cumar ayaa waxaa kasoo baxaya warar is khilaafsan oo ku saabsan inuu xiran yahay iyo inkale, waxaana Cabdi Maxamuud la sheegay inuu ku jiro xabsi Guri ay dusha ka ilaalinayaan ciidamada milateriga Itoobiya; iyadoo arrintiisa ay goa’aan ka gaareyso dowladda Federaalka Itoobiya.

Taliyaha laanta socdaalka gobolka Gabiley C/rashiid Axmed Xasan oo la hadlay VOA-da ayaa wuxuu sheegay in maanta uu si caadi ah ku soo laabtay isu socodka labada magaalo, islamarkaana aanay jirin wax dhibaato ah.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAAL

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa la sheegay inuu ku sugan yihiin magaalada Addis ababa, isagoo doonaya inuu la kulmo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, si uu ugala hadalo xaaladda Cabdi Maxamuud iyo dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAAL

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: