Friday 17 August, 2018

DEG DEG-Juxaa oo Ku Dhawaaqay Musharaxnimadiisa Farriina u Diray Muuse Biixi Kana Hadlay Tukaraq.

Cabdi Faarax Siciid Juxaa ayaa hadda magaalada Garoowe si rasmi ah ugaga dhawaaqay inuu u sharaxan yahay xilka madaxtinimada Puntland ee doorashada 2019, lafilayo inay ka qabsoonto deegaaamada Puntland gaar ahaan magaalada Garoowe.

Juxaa ayaa soo bandhigay qorshihiisa waxqabad, sababaha ku dhaliyey musharaxnimada, rajada uu ka leeyahay doorashada Puntland, wuxuuna madaxweynaha Puntland ugu baaqay in doorashada waqtigeedii lagu qabto oo uu magac uga tago.

Juxaa ayaa si kulul uga hadlay dagaalka Tukaraq, wuxuuna Muuse Biixi ku tilmaamay nin weyn oo qabqable dagaal ah isla markaana waxbadan ka yaqaan dagaal iyo qabqablenimo loona baahan yahay inuu garwaaqsado dhibaada taagan xilligaan.

Wuxuu ugu baaqay Muuse Biixi inuu ciidankiisa kala boxo gobolka Sool aysanna xabadi dan ugu jirin labada dhinac laakiin shacabka gobolka Sool ay yihiin dad reer Puntland ah.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: