Friday 19 October, 2018

DHEGAYSO-Maxaa Puntland Ka Hortaagan Xoraynta Gobolka Sool iyo Rajada Isimada SSC ee Madaxweyne Gaas.

Boqolaal katirsan ciidanka difaaca Puntland ayaa bilihii ugu dambeeyey isku diyaarinayey deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool oo ay ka bilaabi doonaan howlgalka ay xukuumadda Puntland ugu magac dartay howlgalka xoraynta gobolka Sool.

Muddooyinkii ugu dambeeyey waxaa la sugayey in ciidanka difaaca Puntland ay dagaal qaadaan maadaama loo dhammaystiray tasiilaadkii dagaalka ee ay u baahnaayeen, inkastoo beesha caalamku ku mashquulsanayd baajinta dagaal ka dhaca deegaanka Tukaraq.

Haddaba isimada ka soo jeeda gobolka Sool ayaa ka hadlay sababta dagaalku u bilaaban layahay iyo rajada ay ka qabaan balanqaadkii xoraynta gobolka Sool ee uu sameeyey madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

HALKAAN KA DHEGAYSO CODKA ISIMADA SSC

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: