Friday 19 October, 2018

DHEGAYSO-Wasiirada Puntland oo Kulan Xasaasi ah Leh Kana Doodaya Xoraynta Sool iyo Wadahadalada Somaliland.

Aqalka madaxtooyada Puntland ee Garoowe ayaa waxaa hadda kulan xasaasi ah kuleh golaha xukuumadda Puntland waxaana diiradda lagu saarayaa xaaladda gobolka Sool, gaar ahaan dagaalka Tukaraq, dhibka Soomaaliland ku hayso shacabka Laascaanood iyo qorshaha nabadaynta ee beesha caalamka.

Warar hoose oo ay helayso Puntlandnews ayaa sheegaya in shirka golaha wasiirada oo uu shir gudoominayo madaxweyne Gaas lagu soo qaadi doono qorshaha ay waddo beesha caalamku ee ku aadan kala qaadista ciidamada iyo wadahadal dhexmara Puntland iyo Soomaaliland.

Xukuumadda Puntland ee uu hogaamiyo madaxweyne Gaas ayaa marar badan ku celcelisey inaysan wax waan waan iyo wadahadal ah lageli doonin maamulka Soomaaliland inta ciidamada maamulkaasi ay ku sugan yihiin gobolka Sool.

Isimada Puntland oo kulamo looga arrinsanayo Tukaraq la yeeshay wakiilo ka socdey beesha caalamka ayaa si cad ugu sheegay inaysan wadahadal iyo nabad ka qaadan doonin ilaa inta ciidanka Soomaaliland ay ku sugan yihiin gobolka Sool.

 

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: