Friday 17 August, 2018

DAAWO-Juxaa oo Si Kulul Uga Hadlay Dagaalka Tukaraq Weerarna Ku Qaaday Muuse Biixi.

Musharaxa Madaxweynaha Puntland ee doorashada 2019 Cabdi Faarax Siciid Juxaa ayaa si kulul uga hadlay dagaalka deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ku dhexmaraya Puntland iyo Soomaaliland, wuxuuna eeda dusha uga Tuuray Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi.

Juxaa ayaa sheegaya in dadka degan gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ay yihiin dad reer Puntland ah waxna ka dhistay Puntland sanadkii 1998dii, ayna waajib kutahay Puntland in shacab iyo dowladba ay difaacaan.

Musharax ayaa sheegaya in madaxwynaha Soomaaliland Muuse Biixi uu yahay nin weyn oo jamhada yaqaana cawaaqib xumada iyo dhibaatada ka imaan kadha dagaal sokeeyo oo uu ka huriyo xilligaan gudaha Soomaaliya.

Wuxuu tilmaamay in dagaal iyo xabad uusan xal kujirin haseyeeshee xalka ugu wayni uu yahay in Muuse Biixi uu ciidamadiisa kala boxo deegaanka Tukaraq iyo guud ahaan dhulka kale ee ay kaga sugan yihiin Puntland.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAAL

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: