Friday 19 October, 2018

DAAWO-Wadahadaladii Nabadda Tukaraq oo Fashilmay iyo Puntland oo Dagaal Ku Dhawaaqday.

Dowladda Puntland ayaa waxa ay si cad u shaacisay inuusan istaagi doonin dagaalka lagu xoraynayo gobolka Sool, xilli muddooyinkii ugu dambeeyey ay socdeen dedaalo lagu xallinayo xiisadda ka dhex taagan Puntland iyo Soomaaliland.

HALKAAN KA DAAWO GO’AANKA PUNTLAND

Madaxweyne kuxigeenka Puntland Eng CabdiXakiim Xaaji Cumar Camay ayaa ka hadlay dedaalo nabadeed oo muddooyinkii ugu dambeeyey beesha caalamka, IGAD, UNSOM iyo dalal kale ay ka dhex wadeen Puntland iyo Soomaaliland.

Eng Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey ayaa xusay in wakiiladaasi ka socdey beesha caalamka ay gudanayan waajibaadkooda haseyeeshee aysan wax micno badan leh ka soo bixin kulamadii ay la yeesheen Puntland iyo Soomaaliland.

Madaxweynaha ayaa sheegay in gobolka Sool uu yahay dhul Puntland ay leedahay aysanna jirin cid lagala xaajoonayo soo celintiisa, aysanna Puntland cidna gorgortan kala geli doonin inta ciidamada Soomaaliland ay ku sugan yihiin gobolka Sool.

Madaxweyne kuxigeenka ayaa sheegay in go`aankoodu yahay in ay Puntland deegaanadeeda xukumayso, oo ay dib ugu soo celinayso gacanteeda, waxaana la weydiiyey ilaa hadda natiijada la gaaray, mana uusan cadeynin waxa la gaaray, balse wuxuu sheegay in uu Nasrigu imaan doono.

Eng Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey oo kamid ah siyaasiyiinta reer Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa sheegay In Puntland aysan dagaalka joojin doonin inta xuduudeheedu ka maqan yihiin ayna Soomaaliland ka qabsan doonaan gobolka Sool.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: