Friday 17 August, 2018

DHEGAYSO-Dowladda Federalka ah oo Faraha Kula Jirta Doorashada Puntland ee 2019 iyo Digniin Loo Diray.

Muddooyinkii ugu dambeeyey waxaa soo baxayey warar sheegaya in dowladda federalka ah ee Soomaaliya ay waddo qorshe ay ugu lug yeelanayso doorashada lafilayo inay Puntland ka qabsoonto bilowga sanadka dambe ee 2019-ka.

Dowladda Soomaaliya ayaa doonaysa inuu ku soo boxo xilka madaxweynaha Puntland Musharax ay taageersan tahay oo fulinaya siyaasadda ay doonayso inay ku maamusho maamul goboleedyada kala duwan ee Soomaaliya oo marar badan ay iskudheceen.

Musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Puntland ee doorashada 2019 ayaa waxa ay uga digeen dowladda federalka ah ee Soomaaliya inay faragelin ku samayso doorashada Puntland oo ay sheegeen inay gaar u tahay shacabka iyo dowladda Puntland.

HALKAAN RIIX SI AAD U DHEGAYSATO CODKA

Cabdi Faarax Siciid Juxaa oo kamid ah musharixiinta ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay faragelin iyo kala furfuris kuwaday dowlad goboleedyada, wuxuuna uga digey inay isku daydo faragelin ay ku samayso doorashada 2019.

HALKAAN RIIX SI AAD U DHEGAYSATO CODKA

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

3 Responses to "DHEGAYSO-Dowladda Federalka ah oo Faraha Kula Jirta Doorashada Puntland ee 2019 iyo Digniin Loo Diray."

  1. Kenedid Sheel says:

    Juxow, markii aad dowladda dhexe ka mid ahayd, faragelinteeda qayb baad ku lahayd, hadda oo aad madaxweynanimo dowlad goboleed aad musharrax u tahayna waad ka cabanaysaa faragelinta. Juxe, ma waxaad ka baqaysaa in lagaa badiyo?

  2. Mohamad says:

    SHACAB BAAXAD WEYN AYAAN LA IIBSAN KARIN,LKN SIDA LA OGYAHAY PUNTLAND SHACAB WAX DOORAN MAAYAAN EE WAXA WAX DOORANAYA ASHKHAAS KU MAGACAABAN BAARLAMAAN,TIRADOODUNA TAHAY 66 XUBNOOD OO FADLAN LACAG KU SHUBO AH,OO AAN U DANAYNAYN SHACABKA MASAAKIINTA AH EE U BAAHAN HOGGAAN WANAAGSAN.MARKA BIYO DHACA HADALKAYGU WAXA WEEYE SIDA LA DAREEMI KARO PUNTLAND WAXA KU GUULAYSANAYA XULISTA NINKA UGU LACAG BADAN TARTAMAYAASHA XAALKUNA WAXA WEEYE(NINKII LACAG LEH AYAA WEYN).MARKA HADDAANU GAAS ISKII U GO’AANSAN INAANU ISU SHARIXIN XILKA TEERAM LABAAD WAY ADAGTAHAY IN LAGA GUULAYSTO,HADDAANU IMAN NIN KA JEEB BUURAN OO KA LACAG BADAN HAYSTA.NIN SHAN SANO URUURSANAYAY WOXOOGAAGII YARAA EE SHACABKAOO HADDA DIYAAR AH WEEYE GAAS.@MIDDA KALE CIDDII AAN MAXAMUUD SALEEBAAN AHAYN MEESHA WAXBA UMA YAALLAAN EEYAANAY LUGOIN BAHASHU WAA HAKBAD AY KU KALTAMAAN MAXAMUUD SALEEBAAN,DOORKANNA WAXA LA FILAYAA INAY YEESHAAN CISMAAN MAXAMUUD.MARKA RAJO SAA AH IYO XAMAASAD TOONA MA LEH XULASHADA LA KALA XULANAYO ILMA MAXAMUUD SULAYMAAN.MA BEEN BAAN SHEEGAY REER PUNTLANDOW SOO SIDAA MAAHA WAXA AAD NOO XAYAYSIINAYSAAN.WAR ISKU XISHOODA OO BAHASHA ISKA QURXIYA OO FAHMA XATAA HADDAAD MAJEERTEEN DHEXDIISA CADDAALAD WAX U EG KA DHIGTAAN OO KALTANKA ADEERKIIN KUSOO DARTAAN AKA CALI SULAYMAAN AYAANAY WIXIINU AMMAAN HELAYN OO WAA XULASHO REER YAR OO HARTI KA MID AH AKA MAXAMED HARTI (MAJEERTEEN).SU’AASHU WAXA WEEYE AAWAY DADKII KALE EE PUNTLAND WAX KA DEGI JIRAY,MISE MEESHU WAA MAJEERTEENIYA WALIBA AANU CALI SALEEBAAN KU JIRIN??????.MARKA SIDAA LEEYAHAY HA KU FEKERIN LABADA REER EE HARTI EE SOMALILANDERKA AH (DHULBAHANTE IYO WARSANGELI),EE WAXAN KA HADLAYAA DADKA DEGA NUGAAL,BARI,HAAF MUDUG, SIDA TANADE,DASHIISHE,CARAB SAALAX I.W.M,MISE MA GAYAAN IYAGU?.

  3. Mohamad says:

    Tolow haddii gaas doorkan maroorsado oo lacag isticmaalo soona noqdo xaalka puntland sidee noqonayaa,illeen bahashu waa kaltan oo doorkan waxa leh cusmaan maxamuudee?????.

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: