Friday 17 August, 2018

Recep Tayyip Erdogan,”Maraykanku Haddii uu Dollar Leeyahay Waxaan Leenahay Allaah”.

Madaxweynaha dowladda Turkiga  Recep Tayyip Erdogan ayaa ugu yeeray shacabka waddankiisa inaysan welwelin kadib hoos u dhac kuyimid lacagta dalkiisa ee Lira iyo xiisado siyaasadeed oo ka dhex aloosmay Turkiga iyo Maraykanka.

Lacagta wadanka Turkiga ayaa hoos u dhacday 6 marka loo eego tan Maraykanka ee US Jimcadii ah maalin kadib markii ergooyinkii Turkigu ay natiijo la’aan kaga soo laabteen wadaahdaladii xukuumadda Washington.

Recep Tayyip Erdogan oo horay u sheegay in wadankiisu wajahayo dagaal dhanka dhaqaalaha ah ayaa u sheegay taageerayaashiisa oo isugu soo baxay badda madaw ee RIZE Kahmiistii shalay ayaa sheegay in la qaaday ololayaal waaweyn oo ka dhan ah waddankiisa.

“Haka walwalinina, ha iloobinina, haddii ay leeyihiin dollar, waxaan leenahay dadkeena, waxaan leenahay Allaah, si adag ayaan u shaqaynaynaa, fiiriya wixii aan ahayn 16 sano kahor, fiiriya waxa aynu maanta nahay” ayuu yiri  Recep Tayyip Erdogan.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: