Thursday 16 August, 2018

TOP NEWS-Somaliland oo Ciidankeedii Ku Sugnaa Gambara Ilaa Laascaanood Ku Celisey Tukaraq Maxaa Soo Kordhay.

Xog hoose oo warbaahintu heshay ayaa sheegaysa in Soomaaliland ay diyaar garaw xoogan ugu jirto difaaca dagaal ay ka cabsi qabto inuu kaga yimaado ciidamada difaaca Puntland ee ku sugan furimaha dagaalka loona qorsheeyey xoraynta gobolka Sool.

Warar hoose oo aan helayno ayaa sheegaya in taliska ciidanka Muuse Biixi ay amar ku bixiyeen in loo diyaar garoobo difaac ay ka galaan gobolka Sool, xilli ay fashilmeen qorshayaal uu maamulka Hargaysa ku doonayey in beesha caalamku u dhex dhexaadiso maamulkiisa iyo Puntland, si uusan dagaal uga dhicin Tukaraq ciidankiisuna ay ku sii sugnaadaan gobolka Sool.

Ciidamo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka oo todobaadadii ugu dambeeyey ka baxay Tukaraq kuna sugnaa Laascaanood ilaa Gambadha ayaa lagu soo waramayaa inay dib ugu soo laabteen fariisimadoodii Tukaraq maadaama ay ka cabsi qabaan dagaal halkaasi ka qarxa.

Boqolaal katirsan ciidanka Puntland iyo kuwa Soomaaliland ayaa lagu soo waramayaa inay galabta isaga soo bexeen fariisimadii ay kaga sugnaayeen Tukaraq, waxaana hareeraha tuulada laga maqlayey dhawaqa rasaasta oo aan dhowayd laga maqal deegaankaasi.

Goob jooge ku sugan Tukaraq ayaa u xaqiijiyey warbaahinta ciidamada Soomaaliland ay bilaabeen galabta inay ka baxaan fariisimadooda isla markaana ay madaafiic iyo rasaas ku rideen jihooyin ay rumaysan yihiin inay kaga sugan yihiin ciidamada difaaca Puntland.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

One Response to "TOP NEWS-Somaliland oo Ciidankeedii Ku Sugnaa Gambara Ilaa Laascaanood Ku Celisey Tukaraq Maxaa Soo Kordhay."

  1. Horta adeero Putland iyo Somaliland Isku Mid Maha

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: