Friday 19 October, 2018

VIDEO-Xubno Katirsan Xisbigii Madaxweynaha U Doortay DDSI oo Addis Ababa Looga Yeeray iyo Sababta.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Jigjiga ee xarunta Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in dhamaan madaxdii dawlad deegaankaas looga yeeray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, iyagoo halkaas u tagay wada hadal ay la yeeshaan madaxda dalkaas ugu sareysa.

Xubnahan oo diyaarad gaar ah ka qaadi doonto magaalada Jigjiga ayay wararku sheegayaan in ay talaabadooda ka dambeysay markii ay dhinacyaud isku fahmi waayeen qodobada la xariira halka loo jiheynayo masiirka gobalka oo xaalad adag ku jira.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in qaar kamid ah madaxda Xisbiga ee kusugnaa magaalada Jigjiga ay diideen talaabada ay soo jeediyeen Madaxda Addis Ababa joogta, ayna sheegeen in aysan marnaba u socon halkaas.

Madaxweynihii hore ee Ismaamulka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar ayaa 2 maalmood ka hor sidaas oo kale wada hadal u tagay Addis Ababa, ilaa haddana lamahayo meel uu kusugan yahay,iyadoo wararku sheegayaan in lagu hayo xabsi kuyaala.

Xaaladda Ismaamulka gobalka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa qasan kumanaan katirsan ciidamadii daacada u ahaa Cabdi Maxamuud Cumar oo ku sugan Addis Ababa ayaa diiday in ay u hogaansamaan talo ka timaada maamulka Sare ee dalka, waxay dalbanayaan in lasoo daayo Hogaamiyahoodii.

HALKAAN KA DAAWO SABABTA LOOGU YEERAY

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: