Friday 17 August, 2018

WAR DEG DEG AH-Dagaalo Goos Goos ah oo Ka Dhacay Tukaraq iyo Ciidankii Somaliland oo Jihooyin Cusub Afka Saaray.

Wararkii ugu dambeeyey ee warbaahinta Puntlandnews.net ay ka helayso deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa shegaya in halkaasi ay ka taagan tahay cabsidii ugu xooganayd iyo xiisad horleh oo u dhexaysa maamulada Puntland iyo Soomaaliland.

Boqolaal katirsan ciidanka Puntland iyo kuwa Soomaaliland ayaa lagu soo waramayaa inay galabta isaga soo bexeen fariisimadii ay kaga sugnaayeen Tukaraq, waxaana hareeraha tuulada laga maqlayey dhawaqa rasaasta oo aan dhowayd laga maqal deegaankaasi.

Goob jooge ku sugan Tukaraq ayaa u xaqiijiyey warbaahinta ciidamada Soomaaliland ay bilaabeen galabta inay ka baxaan fariisimadooda isla markaana ay madaafiic iyo rasaas ku rideen jihooyin ay rumaysan yihiin inay kaga sugan yihiin ciidamada difaaca Puntland.

Ciidanka Puntland ayaa la sheegayaa inay u adkaysan waayeen daandaansiga kaga imaanaya Soomaaliland waxaana ay kaga jawaabeen madaafiic culculus oo dhawaqeeada laga maqlayey gudaha Tukaraq iyo deegaamada kale ee ku hareeraysan.

Xiisadda ayaa weli taagan waxaana wararka aanu helayno ay sheegayaan in dhanka magaalada Laascaanood ay ka soo bexeen gaadiid dagaal oo maalmahaan ka maqnaa furimaha dagaalka maadaama ay xaaladdu ka qaboobayd sidii hore.

Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Eng Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey ayaa si cad u sheegay in Puntland aysan joojin doonin dagaalka ay ku xoraynayso gobolka Sool inta ciidanka Soomaaliland ay ku sugan yihiin gudaha Puntland.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: