Thursday 16 August, 2018

DHEGAYSI XASAASI AH-Puntland oo Qaaday Tallaabo Ka Caraysiisay Muusee Biixi iyo Horjoogayaashii SNM ee Sool oo Xilka Wayn Raba.

Gobolka Sool bilihii ugu dambeeyey waxaa ka taagnaa xiisad dagaal oo u dhexaysa Puntland iyo Soomaaliland tan iyo markii ciidanka Soomaaliland ay weerar qaawan ku qabsadeen deegaanka Tukaraq 8-dii bishii January ee sanadkaan.

Haddaba dowladda Puntland oo diyaar garaw xoogan ugu jirta soo celinta deegaamada maqan ee gobolka Sool isla markaana dadka shacabka ah siweyn ula shaqaynayeen ayaa qaaday tallaabo ay aad uga caroodeen maamulka Soomaaliland ee uu hogaamiyo Muuse Biixi iyo horjoogayaasha reer Sool ee la socda maamulkaasi.

Tallaabadaani oo ay siweyn ula dhaceen shacabka kunool gobolka Sool ayaa waxaa ka carooday madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi oo qarka u saaran inuu xilka ka qaado horjoogayaasha ugu magacaaban gobolka Sool oo awoodi waayey inay Puntland gobolka kula loolamaan.

HALKAAN RIIX SI AAD U DHEGAYSATO CODKA

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: