Friday 19 October, 2018

VIDEO+XOG-Barlamaanka Puntland oo Ku Dhawaaqay Go’aanka Doorashada 2019 Mudo Kororsi Miyaa Jira?

Puntland ayaa kujirta xilli adag oo kala guur ah dhammaadka sanadkaan 2018, waxaana arrimaha siyaasadeed u dheer dagaalka ay xukuumadda Puntland iyo shacabkeedu ku doonayaan inay magaalada Laascaanood iyo guud ahaan gobolka Sool.

Dhammaadka sanadkaan waxaa lagu wadaa in odayaasha dhaqanka iyo isimada beeluhu ay soo xulaan xildhibaanada cusub ee barlamaanka Puntland, waa haddii uusan wax isbedel ah imaan dhammadka kal-fadhiga ugu dambeeya ee barlamaanka xilligaan jira oo dhowaan soo xirmi doona.

Siyaasiyiin iyo shacabka qaar ayaa rumaysan inuu socdo qorshe xukuumadda iyo barlamaanka hadda jira waqtiga loogu kordhinayo, halka kuwa kalena ay rumaysan yihiin inaysan jiri doonin doorasho xilligeedii ku dhacda maadaama lagu jiro xilli dagaal.

Qaar kamid ah siyaasiyiinta Puntland gaar ahaan xildhibaanada begertanka ugu jira doorashada madaxweynaha Puntland ee doorashada 2019 ayaa ugu baaqay madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas inay doorashadu xilligeeda ku dhacdo.

HALKAAN RIIX SI AAD U DHEGAYSATO CODKA

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa si cad u sheegay inaysan jirin sabab doorashadu ay waqtigeedii uga dib dhacdo, wuxuuna tilmaamay inay isgarab socon doonaan dagaalada lagu xoraynayo gobolka Sool iyo doorashada Puntland ee 2019.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA

Haddaba xildhibaanada barlamaanka Puntland oo kujira kal-fadhigii 41aad oo ah kii ugu dambeeyey ee dastuuri ah oo ay leeyihiin barlamaanka xilligaan jira ee Puntland ayaa lafilayaa inay war kama dambays ah ka soo saaraan doorashada Puntland ee 2019.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAAL

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

3 Responses to "VIDEO+XOG-Barlamaanka Puntland oo Ku Dhawaaqay Go’aanka Doorashada 2019 Mudo Kororsi Miyaa Jira?"

  1. Cirsan says:

    Doorasho kama dhici karto puntland , talo galyo cid maanto xaalada
    Puntland maamuli karta majito oo aan ahayn xukuumada xirta hadda

  2. Cirsan says:

    Xaalada puntland Ku jirto , majiro non awaad iyo Marti uleh Inuu gacanta loo galiyo, xaalad dagaal, mashaaric qabyaa. Puntland doorasho kama dhici kart , kumana haboona in maanta doorasho
    Laga hadlo.
    Waxaa barlamaanka LA quman in mudada xukuumadaan LA kordhiyo ilaa intii lava bixin dagaalka

  3. Ali says:

    Wax karo, wax kale iskadaa Dekedii Boosaso laga gadey Carab Dubai. Midkaan watarsi la dhaho majirto, waxaa ku waanin Gaas iyo xulafadiisa shacabka puntland haka horleexdaan yaan dagaal ka dhicin puntland. Tukaraq gaas xoreynmaayo ummada beenta halaga daayo, Wax mashaariic oo puntland ka socdo maleh. Midkaan wata magaca cirsan, hadda adiga gaas ku taagerayso qabyaalad, ninkaan waa galbaday, shacabka puntland waxay dooranayaa wax kuwaan ka wacan, Baarlanaanka puntland dhamaan waa la ceerinayaa waxay noqdeen kuwa shaqadii shacadii shacabka puntland udoorteen kasoo bixin. Waxayna noqdeen kuwa uu gaas lacagta uu kasoo qaato dubai ku laalusho. Marka waqtigii waa ku dhamaaday gaas. Puntland waxay doooraan hogaan dhaam kani cunada iska cunaya ee meel uu usocda aan aqoon.

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: