Thursday 16 August, 2018

DAAWO-Ciidanka Puntland oo Soo Bandhigay Fariisimo Ay Qabsadeen Dagaalna Ku Goodiyey.

Ciidamada dowladda Puntland oo maalmihii ugu dambeeyey diyaar garaw xoogan amar culusna ka helay madaxda ugu saraysa dowladda Puntland ayaa qaaday weerar culus oo ay ku qabsadeen fariisimo muhiim ah oo ay ku sugnaayeen malayshiyaadka ka soo horjeeda.

Ciidanka ayaa soo bandhigay fariisimo muhiim ah oo ay gacanta kudhigeen, aagag muhiim u ahaa malayshiyaadka ku soo duuley dhulka Puntland iyo ceel biyood la sheegay inay biyaha ka dhaansan jireen.

Saraakiisha ciidanka ayaa sheegay in ciidanku ay diyaar u yihiin difaaca ayna inta dhiman ka xorayn doonaan cadawga waxaana intaasi sii dheer in ciidamadu ay diyaar kuyihiin furimaha kala duwan ee Tukaraq iyo deegaamo kale.

HALKAAN KA DAAWO SALDHIGYADA LA QABTAY

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: