Wednesday 19 September, 2018

AKHRISO-EUFA oo Ku Dhawaaqday isku Aadka Champions League 2018-2019.

Waxa si Rasmi ah loo soo saaray Isku aadka wareega Group-yada tartanka champions League xilli ciyaareedka 2018/2019 kaas oo ay ka qayb galayaan kooxaha ugu waaweyn yurub una dagaalami doonaan sidii ay ugu guulaysan lahaayeen.

Tartanka ayay haatanba ka soo bexeen kulamo xiiso leh iyada oo ay kooxo waaweyn isku Group noqdeen xiiso wakhti hore ahna ku bilaabatay tartanka champions League xilli ciyaareedkan.

Tartanka champions League ayaa bilaabmi doona bisha September iyada oo la ciyaari doono wareega Group-yada ee 1-aad 18 iyo 19 bisha September iyada oo wakhtiyada la ciyaari doono halka dambe laga soo xaqiijin doono.

Hadaba waxa aan halkan ku soo gudbin doonaa Isku aadka oo dhamaystiran:

Group A: Atletico Madrid, Borussia Dortmund, Monaco, Club Brugge

Group B: Barcelona, Tottenham, PSV Eindhoven, Inter Milan

Group C: Paris St-Germain, Napoli, Liverpool, Red Star Belgrade

Group D: Lokomotiv Moscow, Porto, Schalke, Galatasaray

Group E: Bayern Munich, Benfica, Ajax, AEK Athens

Group F: Manchester City, Shakhtar Donetsk, Lyon, Hoffenheim

Group G: Real Madrid, Roma, CSKA Moscow, Viktoria Plzen

Group H: Juventus, Manchester United, Valencia, Young Boys

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: