Wednesday 19 September, 2018

DAAWO-Xiisad Ka Taagnayd Duleedka Garoowe oo Xal Buuxa Laga Gaarey iyo Ciidamo Lakala Qaaday

Maamulka Gobolka Nugaal, taliska qaybta booliska gobolka Nugaal, nabadoono iyo waxgarad ayaa gaarey deegaanka Shimbiraaley ee gobolka Nugaal oo xiisadi ka aloosnayd muddooyinkii ugu dambeeyey.

Nabadoonada deegaanka, waxgarad iyo maamulka ayaa soo saaray qodobo dhowr ah oo gundhig looga dhigay xallinta qalalaaso dhowaan ka dhacay deegaankaasi iyo sidii xaaladda caadi loogu soo celin lahaa.

Gudi gaar ah oo loo xilsaaray qiimaynta khasaaraha soo gaadhey hanti ay beeraleeyda deegaanku lahayd oo malayshiyaad burburiyeen ayaa soo saaray qiimayn dhinacyadu isku raaceen waxaana fulinta qodobadaasi loo xilsaaray maamulka gobolka Nugaal.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAL

Deegaanka Shimbiraaley ee gobolka Nugaal ayaa dhowaan waxaa ka dhacday shaqaaqo sababtay in hallkaasi ay isku urursadaan malayshiya beelood hubaysan oo ka soo horjeedey maalgashi beereed oo deegaanka lagu samayn lahaa.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAL

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: