Wednesday 19 September, 2018

DHEGAYSO-Puntland oo Digniin u Dirtay Beesha Caalamka iyo Muuse Biixi iyo Tukaraq oo Waji Kale Yeelatay.

Deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa waxaa weli ka aloosan xiisad colaadeed oo u dhexaysa maamulada Puntland iyo Soomaaliland oo kumanaan ciidan ah soo dhoobay deegaankaasi tan iyo bilowgii sanadkaan dhammaadka ah ee 2019.

Labada dhinac ayaa waxaa deegaankaasi ku dhexmaray dagaalo sababay dhimashada in ka badan 100 katirsan ciidamadii dagaalamayey iyadoona ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan sida aan ka soo xiganay ilo wareedyo madax banaan.

Dedaalo nabadeed oo ay garwadeen ka ahaayeen wakiilo ka socda beesha caalamka, qaramada midoobey iyo dalalka deriska ah ayaa guud ahaanba fashil ku dhammaaday waxaana ilaa hadda laga cabsi qabaa dagaal kale oo deegaanka ka bilowda.

Madaxda ugu saraysa dowladda Puntland ayaa shaaciyey inaysan aqbali doonin wadahadal Soomaaliland ay la galaan inta ciidankeedu joogaan gudaha Puntland, waxaana intaasi dheer Muuse Biixi oo diidey inuu ciidankiisa kala boxo gobolka Sool.

Haddaba qaar kamid ah masuuliyiinta ka soo jeeda gobolka Sool ee kujira golayaasha Puntland ayaa wax laga waydiiyey xaaladda sii xumaanaysa ee gobolka Sool iyo sababta keentay in nabad laga gaari waayo xiisadaha taagan xilligaan.

HALKAAN RIIX SI AAD U DHEGAYSATO CODKA

Puntland waxa ay sheegtay inay beesha caalamka iyo dhinacyada waa xaajoodka wadey ay u sheegtay in xalku kujiro in shacabka gobolka Sool isla markaana ay tahay in loo madax banaanaysiiyo aragtida iyo rabitaankooda haddii xitaa ay diidaan Puntland iyo Soomaalilandna ay xorriyaddooda u hadlaan.

HALKAAN RIIX SI AAD U DHEGAYSATO CODKA

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: