Tuesday 18 September, 2018

VIDEO-Ciidankii Ugu Badnaa ee Somaliland oo Galay Bariga Puntland Kuna Dhawaaqay inay Caarre Qabanayaan.

Maalmihii ugu dambeeyey waxaa sii kordhayey weerarada qorshaysan ee ciidamada Jabhadda Caarre ay la beegsanayaan gaadiidka ay leedahay xukuumadda Soomaaliland ee uu hogaanka u hayo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Haddaba maamulka Soomaaliland ayaa ciidamo aad u hubaysan ku soo bandhigtay deegaanka Yubbe ee gobolka Sanaag oo ah dhul katirsan Puntland isla markaana waxa digniin u direen ciidamada Corneal Caarre ee fariisimada ka samaystay deegaamo katirsan gobolka Karkaar.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA

Saraakiisha kala duwan ee ciidanka maamulka Soomaaliland oo booqday fariisimada ciidanka maamulkaasi ee gobolka Sanaag ayaa sheegay inay ciidamo badan u diyaariyeen dagaalka ka dhanka ah jabhadda uu hogaamiyo corneal Caarre isla markaana ay dagaal culus lageli doonaan.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: