Wednesday 19 September, 2018

DAAWO-Madaxweyne Gaas oo u Hanjabey Farmaajo iyo Khayre,”Car Meel Aan Puntland ahayn..”.

Madaxweynaha Puntladn Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta furay Shirweynaha Hanaanka Dimuquraadiyadda, Maamul Wanaagga iyo Horumarinta ka qayb galka Bulshada ee go’aamada dowladda Puntland.

Shirka ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiiro iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada Mas’uuliyiin ka socotay hay’adaha aan dowliga ahayn, 6 degmo iyo 54 degaan oo kamida degmooyinka iyo degaanada Puntland, aqoon yahano, hay’addaha Wasaaradda Dastuurka kala shaqaynayey mashruuca, masuuliyiin ka socda ururada siyaasadda iyo masuuliyiin kale.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa tilmaamay in Soomaaliya meesha keliya ay ee doorasho hal qof iyo hal cod ahi ay ka dhici karto ay tahay Puntland”, ayuu yiri madaxweyanha Puntland.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAAL

“Waxaana uu u sababeeyey Madaxweynuhu in Puntland ay nabad tahay, isla markaana ugu baaqay cid walba oo danaynaysa in Soomaaliya ka dhacdo doorashadaasi ay yimaadaan Puntland si ay tusaale fiican iyo bilaw wanaagsan u qaataan.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAAL

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: