Wednesday 19 September, 2018

DEG DEG-Fariisimadii Ugu Muhiimsanaa ee Ciidanka oo Xalay Lala Wareegey Meydad Saldhigyada Yaal iyo Dagaal Saaka Ka Socda.

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dagaal culus oo xalay ka dhacay magaalada Marka ee xarunta Gobalka Shabeelaha Hoose,kaas oo dhexmaray Al Shabaab iyo ciidamada dawladda Soomaaliya.

Dagaalka u dhexeeyey Alshabaab iyo ciidanka dowladda oo socdey saacado badan ayaa la sheegay in ay kugeeriyooden kudhawaad 10 qof oo iskugu jira shacab iyo dhinacyada dagaalamayey, hubka culus ayaana ku dhacay goobo ka baxsan aagaga dagaalka.

Dagaalyahano katirsan kooxda Alshabaab ayaa la sheegay inay dagaal labo jiho ah ku qaadeen ciidamada dawladda Faderaalka, waxaana ay intaa kadib ka qabsadeen goobihii ay gacanta kuhayeen sidda ay sheegayaan warar madax banaan.

Taliska ciidamada NISA ee degan duleedka magaalada ayaa sheegay in ciidamadooda laga qabsadey goobtan,balse waxay saraakiishan cadeyeen in cidda weerarkan soo qaaday aysan Shabaab kaliya aheyn, balse ay wehliyeen maleeshiyo deegaanka u dhalatay.

Xogaha aanu helayno ayaa sheegaya in Al shabaab ay ciidamadoodu qabsadeen gudaha magaalada oo ay wali meelaha qaarkood joogaan,waxaana muuqatay Tabardarida ciidamada Xooga dalka.

Ciidanka AMISOM ee ku sugan Marka ayaa la shgeegay inaysan dagaalka ka qayb qaadan marna waxaana dowladda Faderaalka ayaa lagu eedaynayaa in ay joojisay weeraradii Lagu qaadayay kooxahan ayna fursad u heleen dib isku abaabul cusub.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: