Tuesday 18 September, 2018

DEG DEG-Farmaajo iyo Madaxweynaha Soomaalida Itoobiya oo Addis Ababa Ku Kulmay Maxay Ka Hadleen.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo maanta gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar (Mustafe Cagjar) .

Kulankaan ayaa diiradda lagu saaray wada shaqeynta dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo Maamulka dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya.

Waxaa Sidoo kale kulanka looga hadlay sidii loo xoojin lahaa isbedallada ka socda geeska Afrika.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka qeyb galaya Shir ay isugu imaanayaan Madaxda IGAD oo looga hadli doono xubinnimada Eritrea oo mar kale ka mid noqonaysa xubnaha Urur Goboleedka IGAD.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: