Wednesday 19 September, 2018

DEG DEG-Sarkaalkii Ugu Sareeyey Jabhadda Caarre oo Gaarey Gudaha Somaliland Miyuu Goostay.

Corneal Jamaal Baaxad oo katirsanaa taliyayaasha ugu sarreeya jabhadda uu hogaaminayo corneal Caarre ayaa soo gaarey Deegaanka Kulmiye oo kamid ah deegaamada uu maamulka Soomaaliland ka sheegto gobolkaasi.

Sarkaallkaan ayaa la sheegay inuu wato ciidamo gaar ah oo ilaalo u ah iyo gaadiid dagaal isla markaana aan la ogayn ilaa iyo hadda meesha uu ku jeedo iyo haddii uu ka baxay jabhadda corneal Caarre hogaamiyo.

Corneal-ka ayaa la sheegay inuu wado gaari nooca caafimaadka ee gurmadka deg dega ah oo laga lahaa deegaanka Xiise iyadoona wararka qaar sheegayaan inuu doonayo inuu dib ugu celiyo gaarigaasi deegaankii lahaa.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: