Wednesday 19 September, 2018

DHEGAYSO-Puntland oo Shaacisay Waxa Sababay Khilaafka Kala Dhexeeya Muqdisho iyo Hal Arrin oo Xal u ah.

Muddooyinkii ugu dambeeyey waxaa soo ifbaxayey khilaafka u dhexeeya madaxda ugu saraysa dowladda federalka ah ee Soomaaliya iyo hogaaminayaasha dowladaha xubnaha ka ah dowladda Soomaaliya.

Dhowaan waxaa magaalada Kismaayo lagu soo afmeeray shirkii madaxda dowladaha xubnaha ka ah dowladda Soomaaliya, waxaana ka soo baxay qodobo mid kamid ah uu ahaa inay hakiyeen wadashaqayntii dowladda Soomaaliya.

Siyaasiyiinta, madaxda qaar iyo shacabka kunool guud ahaan Soomaaliya ayaa aragtiyo kala duwan ka dhiibtey khilaafkaan soo ifbaxayey marba marka ka dambaysa iyadoona madaxweynen ku-xigeenada qaar xitaa ay ka horyimaadeen.

Haddaba dowladda Puntland ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay waxa uu salka ku hayo khilaafka DFS iyo DG, sababaha loo xallin la’yahay iyo waxa uu yahay xalka kaliya ee laga gaari karo arrintaasi.

HALKAAN RIIX SI AAD U DHEGAYSATO CODKA

Qaar kamid ah maamulada xubnaha ka ah dowladda federalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacaya doorashooyin madaxtinimo waxaana wararka qaar sheegayaan in madaxda DFS ay loolan ugu jiraan in rag taageersani ku soo baxaan.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: