Tuesday 18 September, 2018

DAAWO-Madaxweynaha Maraykanka oo Wadamo Badan Cunaqabatayn Saaray iyo Doorasho Ku Fool Leh.

Isagoo hoosta ka xariiqay in uu xakameynayo doorashada Ruushka,Madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump ayaa saxiixay amar ah in la xoojiyo amniga doorashooyinka cunaqabateyna la saaro dalalka shisheeye ama dadka doonaya iney soo fara geliyaan arrimaha siyaasadda Mareynkanka.

Amarka, oo yimid sideed todobaad ka hor doodoorashooyinkii Golaha ee bisha November 6deedii, ayaa dhaleeceyn degdeg waxay ka timid  xildhibaannada Jamhuuriga iyo Dimuqraadiyadda.

Mr. Trump, ayaa amarkaan saxiixay iyadoo cidina aan la joojin albaabadana u xiran yihiin,wariyeyashana ay dibad joog ka ahaayeen,balse nasiib darada waxay ahayd in go’aan iskiisa qaato.

” Aan idin cadeeyee, Mareykanka ma u dulqaadan doono nooc kasta oo ka mid ah fara gelinta shisheeye ee doorashadayadeena,” ayuu Trump ku yiri hadal uu soo saaray.

DAAWO

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: