Wednesday 19 September, 2018

DEG DEG-Ciidamo Ka Soo Baxay Xeryohoodii Furimaha oo Xalay Caasimadda Soo Galay Xirtayna Waddooyin Muhiima.

Wararkii ugu dambeeyey ee aanu helayno ayaa sheegaya in ciidamo xalay ka soo baxay xeryohooda iyo kuwa boolis ah oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka ay saaka buux dhaafiyeen waddooyinka waaweyn ee magaalada madaxda dalka ee Muqdisho.

Ciidamadan ayaa lagu arkayaa inta badan Isgooysyada muhiimka ah iyo sidoo kale jidadka qaar ee Magaalada, waxaana ay baaritaan gaar ah ku sameynayaan Gaadiidka kala duwan.

Booliska lagu daadiyay Isgoysyada Muqdisho ayaa si gaar ah baaritaan ugu sameynaya Gaadiidka raaxada ee ay wataan shaqsiyaadka inkasta oo Gawaarida Dadweynaha iyo Bajaajyaduba la baarayo haddana waxaa ay xoogga saarayaan Gaadiidka yaryar.

Magaalada Muqdisho labadii Todobaad ee ugu dambeeyay waxaa ka dhacayay dilal qorsheysan iyo Qaraxyo laga fuliyay Xarumaha Degmyooinka Howlwadaag iyo Hodon.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: