Tuesday 18 September, 2018

DEG DEG-Somaliland oo Soo Bandhigaysa Sarkaalkii Ugu Sarreeyey ee Jabhadda Caarre oo Hub iyo Ciidan La Goostay.

Maamulka Soomaaliland ayaa shaaca ka qaaday inay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag u ah maamulkaasi ay ku soo dhoweyn doonaan sarkaal horay uga goostay ciidanka maamulkaasi.

Gudoomiyaha gobolka Sanaag ee maamulka Soomaaliland Maxamed Axmed Caalin ayaa sheegay inay Ceerigaabo ku qaabili doonaan Jamaal Maxamed Baaxad oo horay uga tirsanaa ciidanka Soomaaliland haseyeeshee ku biiray jabhadda Corneal Caarre.

Taliye Baaxad oo ay isku reer yihiin corneal Caarre ayaa magaalada Ceerigaabo lafilayaa inuu la soo galo ciidamo iyo gaadiid dagaal oo uu kala soo goostay jabhadda corneal Caarre oo uu horay ugu galay.

Corneal Caarre ayaa duleedka magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar waxa uu ku diyaariyey jabhad uu sheegay inay dagaal lageli doonto maamulka Soomaaliland ee uu hogaamiyo Muuse Biixi Cabdi.

Waa markii ugu horaysay ee sarkaal katirsan Jabhadda Caarre uu dib ugu laabto Soomaaliland waxaana dadku ay aad u hadal hayaan saamaynta uu kuyeelan doono joogitaanka Caarre ee Puntland.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: