Tuesday 18 September, 2018

WARBIXIN-Xagee Maraysaa Soo Xulista 66-da Xildhibaan ee Puntland iyo Gobolo War Ka Soo Kordhay.

Deegaamada Puntland ayaa waxaa durba ka bilowday loolankii ugu xooganaa ee loogu jiro doorashada madaxtinimada Puntland ee lafilayo inay dhacdo bilowga sanadka soo socda ee 2019.

Loolanka ugu xoogan ayaa hadda ka socda dhinaca soo xulista 66-da xildhibaan ee bedeli doona barlamaanka xilligaan jira ee ay yeelanayso Puntland kuwaas oo bilowga bisha Jannaayo dooran doona gudoomiye barlamaan, madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen.

Xulista xildhibaanada waxaa awood u leh isla markaana ay ka bilaabataa odayaasha dhaqanka gaar ahaan sabadoonada, nabadoonada iyadoona ugu dambayn xubnaha la soo gudbiyo ay kala saaraan isimada ugu waaweyn gobol walba maadaama Puntland ay weli wax ku qaybsato hanaanka qabiilka.

HALKAAN DHEGAYSO WARBIXINTA

Haddaba xagee maraysaa soo xulista barlamaanku, goboladee ilaa hadda lagu kala baxay, kuwee laysku dhegan yahay, beelehee soo xulay kuwee ayaan waxba soo xulin, goboladu sidee u kala leeyihiin barlamaanka hoos ka dhegayso warbixin ka hadlaysa arrimahaasi.

HALKAAN DHEGAYSO WARBIXINTA

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: