Tuesday 18 September, 2018

WAR SAXAAFADEED+CADAYN-Madaxtooyada Puntland oo War Ka Soo Saartay Jidka Jalam iyo Galkacyo.

Madaxtooyada dowladda Puntland ayaa war rasmi ah ka soo saartay Mashruuca Wadada Garoowe iyo Gaalkacyo oo ay dhawaan kudhawaaqday dawladda Jarmalku in ay ka baxday oo ay joojisay.

Warsaxaafadeedkan kasoo baxay Madaxtooyada Puntland oo kuqornaa Luuqada Ingiriiska, una muuqday mid kusocda Jarmalka iyo Hay’adda Mashaariicda ee GIZ, ayaa diiradda lagu saaray qodobada kala ah.

Dowladda Puntland ayaa sheegtay in ay horey u ogeyd in GIZ ay ka baxayso sii wadida Mashruucan oo aysan ogaanin dhawaan, markii uu soo baxay warka Dawladda Jarmalka.

Warsaxaafadeedka waxaa lagu sheegay in Jarmalku ahaa deeq Bixiye qeyb ka ahaa kaalmo guud oo katimi Midowga Yurub, lacag yarna kubixinayay, sidaas awgeedna Midowga Yurub iyo Puntland ay ka wada shaqeynayaan mashruucan hadda.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: