Tuesday 18 September, 2018

XOG CUSUB-Madaxweyne Muuse Biixi oo Ergooyin u Diray Beesha Gar Xejis Kadib Go’aamadii Beelaha Bariga.

Madaxweynaha maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi oo xilka madaxtinimada maamulkaasi hayey in ka badan 9 bilood ayaa waxaa soo wajahay caqabado badan oo kaga imaanaya beelaha deegaamadaasi.

Caqabadaha ugu badan ee Muuse Biixi Cabdi ka soo wajahay beelaha ayaa ah tabasho laga muujinayo saamiga uu ka siiyey xukuumaddiisa iyo caddaalad darro ay sheegeen in lagula kacay.

Madaxweynaha oo aad ugu mashquulsanaa shaqada xukuumaddiisa iyo dagaalada ka soo wajahay gobolada qaar ayaa hadda la sheegay inuu ku soo jeensaday dhegaysiga cabashooyinka kaga imaanaya beelaha si uu uga hortago caqabado ka soo jaha maamulkiisa.

Beesha Garxajis ayaa ah midda ugu weyn ee la sheegay in hadda madaxweyne Muuse Biixi uu u diray ergooyin gaar ah oo soo dhegaysta cabashada ay ka muujinayaan xukuumadda Muuse Biixi Cabdi.

Beesha Garxajis ayaa shirweyne dhowaan kuyeelatay Buurta Gacan Libaax walow ay sheegtay inuusan caqabad ku noqon doonin xukuumadda Muuse Biixi ayna danohooda gaarka ah kaga arrinsanayeen.

Tabashada beelaha ayaa sababtay in Corneal Caarre oo kamid ahaa saraakiisha ugu saraysa ciidamada maamulkaasi uu ku dhawaaqo jabhad dagaal lageli doonta maamulka Soomaaliland ee Muuse Biixi xilligaanm hogaanka u hayo.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: