Wednesday 19 September, 2018

XOG+SAWIRRO-Ciidanka Puntland oo Howlgallo Ka Bilaabay Xeebaha Mudug Kadib Markii Alshabaab..

Wararkii ugu dambeeyey ee aanu caawa ka helayno xeebaha gobolka Mudug ayaa sheegaya in ciidanka difaaca Puntland ay howlgallo culus kawadaan deegaamo dhowr ah oo badda ku xeeran.

Howlgalladaan ayaa ah kuwa digniin cad u ah malayshiyaad katirsan ururka Alshabaab oo xogtooda lahelay iyagoo isku urursanaya deegaamo katirsan koonfurta gobolka Mudug ee Galmudug.

Goob joogayaal ku sugan deegaanka Garacad ee gobolka Mudug ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in xaaladda deegaankaasi ay tahay mid degan isla markaana ciidanku ay bilaabeen howlgallo dhoolatus u ah cidkasta oo isku dayda inay ku soo xad gudubto.

Ciidamada Puntland ee PMPF ayaa saldhig xoogan ku lahaa deegaanka Garacad tan iyo sanadkii 2015 xilligaas oo dagaalyahano katirsan ururka Alshabaab ay weeraro ku soo qaadeen xeebahaasi.

HALKAAN KA DAAWO SAWIRRADA.

Alshabaab ayaa fariisimo kuleh deegaamo ay kamid yihiin Hobyo iyo Xaradheere oo dhammaantooda dhaca koonfurta gobolka Mudug ee maamulka goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

HALKAAN KA DAAWO SAWIRRADA.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: