Wednesday 19 September, 2018

Ciidanka Puntland oo Howlgallo Culus Ka Bilaabay Gobolka Bari Kadib Markii ay Soo Bexeen..

Wararkii ugu dambeeyey ee aanu ka helayno gobolka Bari ayaa sheegaya in ciidanka dowladda Puntland ay howlgallo culus ka bilaabeen deegaamo katirsan gobolka Bari gaar ahaan Boosaaso.

Howlgalladaan ayaa waxaa magaalada Boosaaso ka wada ciidamada ammaanka gobolka Bari, kuwa badda ee PMPF iyo ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee PSF oo inta badan ugaarsada kooxaha nabad diidka ah.

Howlgalladaan ayaa waxaa garab socda howlgallo gaar ah oo ciidamada difaacu ay kawadaan deegaamo hoosyimaada buuraleeyda Galgala ee gobolka Bari oo ciidanku ay ka baadi goobayaan rag katirsan Alshabaab.

Wararka qaar ayaa sheegaya in taliska ciidanku helay warar sheegaya in Alshabaabkii ciidanku baacsanayey lagu arkay deegaamo buuraley ah oo ay ku dhuumaalaysanayaan.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: