Wednesday 19 September, 2018

DEG DEG-Dhaqdhaqaaq Galabta Laga Dareemayo Tukaraq iyo Ciidanka Somaliland oo Isku Fidiyey Goobo Cusub.

Wararkii ugu dambeeyey ee aanu galabta ka helayno deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa sheegaya in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad dagaal oo u dhexaysa ciidanka Puntland iyo Soomaaliland.

Ciidamada maamulka Soomaaliland ayaa lagu soo warayamayaa inay dhaqdhaqaaqyo iyo isballaarin ciidan ka wadaan duleedka Waqooyi bari ee deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Goob joogayaal ku sugan deegaankaasi ayaa u xaqiijiyey Puntlandnews in xaaladdu ay degan tahay haseyeeshee dhaqdhaqaaqaasi uu horseedi karo dagaal ka qarxa deegaankaasi.

Tukaraq waxaa muddo 9 bilood ku dhow isku horfadhiya ciidamada maamulada Puntland iyo Soomaaliland oo dagaalo ku dhexmareen in ka badan 4 jeer.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: