Wednesday 19 September, 2018

DHEGAYSO-Madaxweyne Gaas oo u Hanjabey Shirkado iyo Shaqsiyaad Reer Puntland ah+Sababta.

Sanadihii ugu dambeeyey deegaamada xeebaha ah ee Puntland waxaa dadku aad uga cabanayeen maraakiib iyo doonyo shisheeye oo ay hor-boodayaan shaqsiyaad Soomaali ah oo jariif ku haya kalluunka xeebaha Puntland.

Ciidanka PMPF ee badaha Puntland ayaa ku howlan sidii ay arrinkaasi uga hortegi lahaayeen waxaana dowladda Puntland ay kalluumaysiga sharci darrada ah ku tilmaantay masiibo qaran oo soo wajahday shacabka Soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaan Puntland.

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali gaas ayaa sheegay in kalluumaysiga sharci darrada ah uusan iska imaan doonyaha shisheeyena aysan imaan karin xeebaha Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya haddii aysan la socon dad Soomaali ah.

HALKAAN RIIX SI AAD U DHEGAYSATO CODKA

Madaxweyne Gaas ayaa shaaciyey shaqsiyaad iyo shirkado Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ka soo jeeda Puntland oo hor boodaya xaalufka kalluunka isagoona digniin culus u diray shaqsiyaadkaasi.

HALKAAN RIIX SI AAD U DHEGAYSATO CODKA

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: