Wednesday 19 September, 2018

DEG DEG-Madaxweynihii Hore ee Puntland iyo Wafti uu Hogaaminayo oo Garoowe Ku Wajahan.

PUNTLANDNEWS.NET (GAROOWE)-Magaalada Garoowe ee caasimadda dowladda Puntland ayaa waxaa hadda ku soo wajahan wafti ballaaran oo ka soo kicitimaya magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya.

Waftigaan oo u badan xildhibaano katirsan aqalka sare ee barlamaanka Soomaaliya ayaa u jeedkiisu yahay sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen xallinta khilaafka soo kala dhex galay madaxda dowladda Federalka ah iyo dowlad goboleedyada.

Waxaa lafilayaa inay Garoowe kulamo kula qaataan madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo golayaasha dowladda Puntland.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: