Wednesday 19 September, 2018

DEG DEG-Wafti Muqdisho Laga Soo Diray oo Garoowe Soo Gaarey Si ay Madaxweyne Gaas Ugu Qanciyaan..

PUNTLANDNEWS.NET (GAROOWE)-Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa waxaa soo gaarey xildhibaano katirsan aqalka sare ee barlamaanka Jamhuuriyadda federalka ah ee Soomaaliya.

Xildhibaanadaan waxaa garoonka diyaaradaha Gen Maxamed Abshir ee Garoowe ku soo dhoweeyey gudoomiyaha barlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi, Senator Cabdiraxmaan Faroole, xildhibaano iyo marti sharaf kale.

U jeedada socdaalka xildhibaanadaan ee Puntland ayaa ah gudashada waajibaadkooda shaqo gaar ahaan xallinta khilaafka soo kala dhexgalay madaxda DFS iyo kuwa dowlad goboleedyada.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: