Tuesday 18 September, 2018

DHEGAYSO-Mustafe Cagjar oo Gaarey Diridhabe Ujeedka Socdaalkiisa iyo Calanka Somalia oo Lagu Qaabilay.

Magaalada Diridhabe ee Federalka Itoobiya waxaa maanta siweyn loogu soo dhoweeyey madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida Itoobiya Mudane Mustafe Maxamed Cumar oo ku howlan nabadaynta Soomaalida iyo Oromada.

Madaxweynaha ayaa waxaa goobtii lagu soo dhoweynayey lagu arkay dad sita calanka Soomaaliya, wuxuuna kulam la qaadanayaa odayaasha dhaqanka, maamulka heer federal iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Diridhabe oo uu kala hadlayo nabadgelyada gobolka.

HALKAAN RIIX SI AAD U DHEGAYSATO CODKA

Qoomiyadaha Oromada iyo Soomaalida ayaa marar badan ku dagaalamay gudaha Diridhabe iyo magaalooyin kale oo katirsan deegaamada ay wada degaan waxaana ku dhintay colaaddaasi dad badan.

HALKAAN RIIX SI AAD U DHEGAYSATO CODKA

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: