Wednesday 19 September, 2018

Diyaar Garaw Xoogan oo Ka Socda Magaalada Badhan Xillii uu Ku Wajahan Yahay Madax..

PUNTLANDNEWS (BADHAN)-Wararkii ugu dambeeyey ee aanu ka helayno magaalada Badhan ee xarunta gobolka Sanaag ayaa sheegaya in halkaasi laga dareemayo diyaar garaw ku aadan soo dhoweynta musharaxa madaxweynaha Puntland Faarax Cali Shire.

Goob jooge ku sugan Badhan ayaa u xaqiijiyey Puntlandnews.net in musharaxa madaxweynaha Puntland Faarax Cali Shire lafilayo inuu magaalada Badhan gaaro maalmaha soo socda ayna diyaar garaw kujiraan taageerayaashiisa ku sugan magaalada Badhan ee xarunta gobolka Sanaag.

Faarax Cali Shire oo kamid ah musharixiinta u taagan xilka maaxtinimada Puntland ayaa waxaa dhowaan lagu soo dhoweeyey magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Deegaamada Puntland ayaa waxaa laga dareemayaa diyaar garawga doorashada madaxtinimada Puntland ee 2019, waxaana jira musharixiin tiro badan oo ilaa hadda isu soo sharaxay madaxweynaha Puntland.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: