Wednesday 19 September, 2018

XOG CULUS-Cumar Cabdirashiid oo Qaatay Go’aan Aysan Ku Farxin Farmaajo iyo Khayre.

PUNTLANDNEWS.NET (DUBAI)-Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ahna senator katirsan aqalka sare ee barlamaanka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa qaadi doona tallaabo aysan ku farxi doonin madaxda ugu sarraysa dowladda Soomaaliya.

Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo muddooyinkii ugu dambeeyey ku sugnaa magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa xogtu sheegaysaa inuu go’aansaday kamid noqoshada musharixiinta ku loolamaysa madaxtnimada Puntland ee doorashada 2019.

Puntlandnews ayaa fahansan in xiriirka wanaagsan ee Cumar CC uu laleeyahay dalka Imaaraadka Carabtu uu u fududayn karo ku lug lahaanshaha siyaasadda mandaqadda Soomaalida, taasi oo aysan ku farxi doonin madaxda dowladda federalka ah ee Soomaaliya oo aan xiriir wanaagsan lalahayn Imaaraadka Carabta.

Xog hoose ayaa sheegaysa in madaxda ugu saraysa dowladda fadhigeedu yahay Muqdisho ay dedaalo dheeraad ah iyo dhaqaaleba ku bixin doonto sidii ay meesha uga saari lahayd in CCC uu noqdo madaxweynaha Puntland ee shanta sano ee soo socota.

Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo aysan isku wanaagsanayn madaxda Soomaaliya ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey waxaa Muqdisho aad uga cabsi qabtay inuu noqdo madaxweynaha xiga ee Puntland taasi oo haddii ay dhacdo ka dhigan in Imaaraadku awood muuqata kuyeelanayo Soomaaliya maadaama Puntland ay tahay 3 meeloodaw meel kamid ah Soomaaliya.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: