Wednesday 19 September, 2018

XOG+VIDEO-Madaxweyne Gaas, Senator Faroole iyo Masuuliyiin Kale oo Garoowe Kulamo Kuyeelanaya.

PUNTLANDNEWS.NET (GAROOWE)-Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa waxaa ka bilaabanaya kulamo xasaash ah oo looga arrin sanayo khilaafka u hexeeya madaxda dowladda federalka ah ee Soomaaliya iyo madaxweynayaasha dowladaha xubnaha ka ah dowladda federalka ah ee Soomaaliya.

Garoowe waxaa maanta soo gaarey xildhibaano katirsan aqalka sare ee barlamaanka Soomaaliya kuwaasi oo loo xil saaray u kuurgelidda iyo lafaguridda khilaafka u dhexeeya madaxda dowladda federalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah.

Gudigaan waxaa gudoomiye u ah Garoowena ku soo dhoweeyey madaxweynihii hore ee Puntland Senator Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Faroole oo uu shalay magacaabay gudoomiyaha aqalka sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO SHIR JARAAI’D

Xildhibaanada ayaa kulamo la qaadan doona madaxweynaha dowladda Puntland ahna gudoomiyaha golaha madaxweynayaasha dowladaha xubnaha ka ah dowladda federalka ah ee Soomaaliya.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: