Tuesday 16 October, 2018

DHAGEYSO: Wasiirka Horumarinta PL oo ka jawaabay Hadal ka soo yeeray Wasiir is casilay, kuna dhawaaqay.

Wasiirka Wasaaradda Hormarinta iyo Dib-u-dhiska ee Maamulka Puntland, Cabdikhadar Faarax Shaaciye, oo wareysi siiyey Idaacadda DALJIR ayaa beeniyey hadal uu sheegay wasiirkii iscasilay ee Wasaaradda Deegaanka, Dr. Cali Cabdullaahi Warsame, uuna ku sheegay in uu fashilmay mashruuc ku saabsan u adkaysiga abaaraha oo ay maalgaliso IGAD.

Wasiir Shaaciye ayaa si kulul u beeniyey warkaas wuxuuna sheegay in mashuucaasi uusan fashilmin ee uu shaqaynayo ayna wasaaraddiisu gacanta ku hayso.

Wasiirka oo hadda jooga Nairobi ayaa sheegay in aysan waxba ka jirin in uu fashilmay mashruucaas, wuxuuna cadeeyey in ay dawladda Puntland hadda wado mashruucan, uuna muhiimad weyn ugu fadhiyo bulshada oo dhan.

 

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: